|
Muqdisho
iyo Maridda Waddooyinka
Tan iyo markii
dalkeenna Soomaaliya ay ka dheceen dagaalladii sokeeye
ayaa waxa uu isbeddel ku yimid habka maridda
waddooyinka ee gawaarida, gaar ahaan gawaarida
daabusha dadweynaha ee loo yaqaanno (BL-ka).
Waxaa
sameysmay waddooyin cusub, waxaana weli xiran
waddooyin ay mari jireen gawaarida, haddii aan muuqaal
guud idinka siiyo habka gawaarida ay u maraan Muqdisho
ama ay u sameysmeen waddooyinka, marka ugu horreysa
Suuqa weyn ee Bakaaraha waxa uu noqday ceel-gaabta
cusub, waayo waxa uu saldhig u noqday dhammaan
gawaarida u kala foofta xaafadaha magaallada Muqdisho.
Marka ugu horreysa ma jirto wax taraafiko ah, haddii
ay laba gaari isku dhacaan waxaa laga yaabaa in muddo
laba maalmood ay is hor fadhiyaan, qaarkoodna waxa ay
keenaan isku dhac ay ku dhintaan dad aad u fara badan,
waxayna marka ugu dambeysa arrintan ku biyo shubataa
in ay kala dhex galaan odayaal oo markaa kaddib la
kala qaado gawaaridaasi, waxaan xusuustaa in sanadkii
1992-kii 1,000-Shillin (kun shillin) Soomaali ah ay u
dhinteen 8-qofood, kaddib markii uu muran ka dhashay
bixinta kunkaasi shillin, waana dhacdo aan goob joog u
ahaa. Dhibaatooyinkaasi waxaa ugu wacan sharcidarrada
iyo fowdada ka taagan dalka oo ay abuureen dagaallada
sokeeye.
Haddii aan
ka hadlo qaabka ay gawaarida dadweynuhu u maraan
waddooyinka marka ugu horreysa gawaari ayaa ka baxda
aga-gaarka Isgoyska Black Sea ee jidka soddonka, waxa
ay maraan Isgoyska Baar Ubax, , waxayna ka leexdaan
halka lagu magacaabo Cali Kamiin, dabadeedna waxa ay
isla dhigaan dhinaca garoonka Stadium Muqdisho,
waxayna ku dhacaan waddada weyn ee Warshadaha, iyagoo
sii mara Isgoyska Towfiiq illaa Ex-control, halkaas
ayay ku eg yihiin, mararka qaarkoodna gawaari ayaa
jirta in ay sii gudbaan oo ay gaaraan illaa Baar
Kulmiye.
Gawaarida
nooca loo yaqanno Koostarka ee
ka baxa Suuqa Bakaaraha, waxa uu maraa Isgoyska Black
Sea, dabadeedna waxa ay sii raacaan waddada Shiirkole,
iyagoo ka leexda Ex-Xaruntii Guulwadeyaasha,
dabadeedna waxa ay kor u sii fuulaan jidka warshadaha,
waxa ay sii hor maraan Ex-Kliyaddii Jaalle Siyaad,
waxana ka leexdaan Ex-Control Afgooye, iyagoo si toos
ah u sii aada dhinaca Xoosh, dabadeedna waxaa
boosteejo u ah Saldhiggii Galbeed ee Degmada
Dharkeenley, hala yaabin waddadan waxa ay sameysantay
xilligii dagaallada sokeeye.
Gawaari kale ayaa ka
baxda isgoyska Siinaay, waxa uu marinkoodu yahay
Isgoyska Howl-wadaag, kaddibna waxa ay ku yara
hakadaan Isgoyska Bakaaraha, waxa ay sii maraan sidoo
kale Isgoyska Kaaso-balbalaare (KPP), iyagoo toos ugu
sii gudba fagaaraha Tarrabuunka, waxana gadaal ka
maraan Ex Kuliyaddii Caafimaadka, waxayna la leexdaan
Baar Jaziira, kaddibna waxa ay ku yara hakadaan
Isgoyska Isbitaal Banaadir, iyagoo toos u aada dhinaca
Jaamacadda Umadda, iyagoo ugu dambeyntiina ka leexda
Safaaraddii Mareykanka, halkaas ayayna ka galaan
Degmada Madiina, laga bilaabo Tarbuunka illaa degmada
Madiina waa waddo cusub oo sameysantay dagaallada
sokeeye.
Gawaari Caasi ah ayaa kaa soo qaadeysa Isgoyska Cali
Kamiin, waxa ay soo marayaan Isgoysyada Carwo Itko,
Baar Ubax, Black Sea, Ex- Hotel Al-Baraka, waxa ay ka
leexanayaan Warshaddii Caanaha, iyagoo sii maraya
fagaaraha Tarbuunka, waxa ay ku yara hakanayaan
Isgoyska No.4, kaddibna way ka sii dhaqaajinayaan
iyagoo sii hor maraya CID-da, Ex-Wasaaraddii tacliinta
Sare, Wasaaraddii Beeraha, qaar ka mid ah gawaaridaasi
waxa ay ku eg yihiin Daarta Zoppe, halka kuwo kalena
ay ka sii gudbayaan illaa ay ka gaaraan Suuqa
Buulo-xuubey, hana la yaabin waa waddooyinka cusub ee
sameysmay dagaallada sokeeye.
|